Madaxweynaha Zambia oo la dhaariyay

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Madaxweynaha cusub ee Zambia Edgar Lungu.

Madaxweynaha cusub ee Zambia, Edgar Lungu, ayaa la dhaariyay kadib markii uu ku guulaystay doorasho natiijo isku dhawayd.

Mr Lungu, ayaa u sheegay kumanaan taageerayaashiisa ah oo isugu yimid Stadium inuu dadka u shaqayn doono.

Wuxuu ku guulaystay in ka badan boqolkiiba afartan iyo sideed, halka hogaamiyaha mucaaradka uu ku guulaystay afartan iyo toddobo boqolkiiba.

Gudiga doorashada ayaa diiday eedayn uu mucaaradka soo jeediyay inay dhacday musuqmaasuq.