Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi gudoomiyaha ururka ardayda Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya jaamacadaha kala duwan ee ku yaal waxaa wax ka barta boqolaal arday Soomaali ah oo ka kala yimid deegaano kala duwan.

Gudoomiyaha mid ka mid ah ururada ardayda ayaa BBC u sheegay in sababta ay Addis Ababa u doorteen inay tahay kharashaadka ku baxa jaamacadaha oo jaban.

Weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh, oo safar shaqo ku jooga magaaladaasi Addis Ababa ayaa wareystay Sayid Cabdul Cabdi.