Golaha Wasiirada oo la magacaabay

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay. Si ka duwan sidii hore, waxay ka kooban yihiin labaatan xubnood. Waxaa ku jira 3 gabdhood.

Jagooyinka ugu muhiimsan waxaa loo magacaabay:

Maxamed Cumar Carte Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha ahna Wasiirka shaqada, dhalinyarada iyo Sportiga.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, ayaa noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka

Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim "Fergeti"

Cabdisalaan Hadliye Cumar, waxaa uu noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Wasiirka Gaashaandhigga waxaa noqday Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka Dastuurka, waxaa loo dhiibay Nuur Faarax Xirsi.

Gabdhaha xilalka loo dhiibay

waxay kala yihiin Khadra Bashiir Cali oo noqotay Wasiirka Waxbarashada iyo Sahra Maxamed Cali Samatar, oo noqonaysa wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadaha iyo Xaawo Xassan Maxamed, oo noqotay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Liiska ra'iisul wasaaruhu lala laabtay todobaadyo ka hor xubno kooban ayaa kaga jira, ka soo kow, ra'iisul wasaare ku xigeenka, waxaa kaloo ka mid ah Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo isla xilkii uu horay ugu soo baxay lagu celiyay, waana wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Madaxii hore ee hay'adda Heritage, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Cayte, waxaa uu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga.

Xubnaha kale ee wasiirada noqday

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo loo dhiibay xilka Wasiirka wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Cali Xassan Cismaan, Wasiirka wasaaradda Beeraha. Siciid Xuseen Ciid, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Axmed Xasan Gaboobe, ayaa noqday Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha diinta. Saalax Sh. Cusmaan Muuse, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xassan Axmed Muudeey, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Batroolka, Biyaha iyo Kheyraadka dabiiciga ah. Guuleed Xuseen Qaasim, Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Cali Axmed "jangali", Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada