Hab cusub oo caruur lagu dhalayo

Lahaanshaha sawirka PA

Britain ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay adduunka ee ogolaada in habka loo yaqaano IVF-ta ee caruurta lagu qaado, lagu sameyno karo iyadoo la adeegsanyo hidosidayaasha sadax ruux.

Xubnaha mudanaasha Parlamaanka Britain ayaa cod muuqdo oo aqblabiyad ah ku taageeray habkan oo seynisyahanada sheegeen inuu ka hortagi karo cudurada dilaaga ee la kala dhexo inay ka gudbaan hooyada oo ay cunuga gaaraan.

382 mudane ayaa taageertay halka 128 ay ka soo horjeesteen.

Kooxaha diinta ayaa tallaabadan ku diidan sababo anshaxeed iyo badbaado.

Ra'iisul wasaare, David Cameron, ayaa sheegay inuu taageerayo isbadalkan sababtoo wuxuu fahamsan yahay dhibaatada waalidka ay la kulmaan marka ay caruur xanuunsan haystaan maadama uu isagaba dhalay dhowr caruur oo naafo ah.