Xubin iska casilay golaha wasiirada ee la magaacabay

Image caption Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirada

Xubin ka tirsan galaha wasiirrada ee uu dhawaan ku dhawaaqay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilka loo magacaabay.

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (c/raxmaan Dheere) oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aan lagala tashan xilka loo magacaabay.

Cabdiraxmaan oo xilkaas hore u soo qabtay, ayaa sida uu sheegay ku wargeliyey madaxda dawladda iscasilaadiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in habka loo magacaabay aanay la jaan qaadeyn habka awood qeybsiga, wadatashi uu la sameeyey beeshiisana uu go'aansaday in uu xilkaasi iska casilo.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa Khamiistii ku dhawaaqay mar kale golihiisa wasiirrada oo ka kooban 68 xubnood.

Xubnaha golaha ayaa isugu jira kuwii todobaad ka hor uu dib ula laabtay Ra'iisul wasaaraha iyo qaar mudaneyaal ka ah baarlamaanka.

Waxay ahayd markii 3aad ee tan iyo markii la magacaabay Ra'iisul wasaare Cumar uu ku dhawaaqo gole wasiirro oo aan weli baarlamaanka la hor geyn.

Dadka wax indha-indheeya ayaa rumaysan in ay suurtogal tahay in baarlamaanku ansixiyo xukuumadda, waxaanse la hubin sida ay uga mira dhalin karto waajibka ka saaran sidii ay sannadka soo socda dalka uga dhici lahayd doorasho qof-iyo-cod ah.