Qaramada midoobay oo u digtay Xuutiyiinta Yemen

Lahaanshaha sawirka Reuters

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu talaabooyin dheeraad ah ka qaado falaagada Huutiyiinta shiicada ee Yemen haddii aysan si degdeg ah dib ugu laaban wadaxaajoodyada loogu gudbayo dimoqaraadiyadda.

Falaagada oo gacanta ku haya magaalada Xarunta ah ee Sanca, ayaa kala diray baarlamaanka, waxayna ku beddeleen gole KMG ah.

Waxa horay isu casilay Madaxweynahii Yemen, Abdrabbuh Mansour Hadi iyo xukuumaddiisa kaddib markii xooggaga Xuutiyiinta qabsadeen madaxtooyadda magaalada Sanca bishii hore.

Waxa jira walaac ah in dalka Yemen ay ka dhacaan dagaalo sokeeye, beesha caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada is haya.