Urdun oo ku qaaday 55 weerar Daacish

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jeneral Mansour al Jbour.

Urdun ayaa sheegtay inay qaaday konton iyo shan weerar diyaaradeed ay ku qaaday kooxda Daacish ee Suuriya saddex maalin gudahood.

Jeneral Mansour al Jbour ayaa sheegay in weerarka uu burburiyay labaatan boqolkiiba kooxda awoodoodii dagaalka, iyagoo burburiyay xarumahooodii kaydka qalabka iyo hubka iyo meelaha ay isku qariyaan.

Urdun ayaa kordhisay weerarka cirka ee Daacish, kadib markii ay dileen duuliye reer Urdun oo isaga oo nool la gubay.

Jeneral Jbour ayaa sheegay, in waddankiisa uu sameeyay shantii weerar hal weerar weerada isbahaysiga ay ku qaadeen kooxda Daacish ee Suuriya.