Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi Wasiirka duulista ee Somaliland

Gegida dayuuradaha ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa, waxaa markii ugu horeysay lagu soo daray xayndaab ilaa 13-KM sq ah oo ka ilaaliya xoolaha iyo dadkaba.

Waxaa kaloo loo dhamaystiray qalabka casriga ah ee rakaabka iyo shandadahaba lagu baadho, iyadoo haatan uu socdo dhismaha qayb lagu kordhinaayo dhabaha dayuuradahu.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo maanta tegay gegidaasi ayaa ka wareystay Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi dayactirka garoonka.