Weerarrada Boko Xaraam oo sii kordhaya

Lahaanshaha sawirka none
Image caption Ciidammada Chad ee la dagaallamaya Boko Xaraam

Xoooggaga Boko Xaraam ee ka dagaallama dalka Nigeria, ayaa kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan dalalka deriska la ah ee Cameroon iyo Niger, xilli uu jiro dadaal lagu sameynayo ciidammo goboleed la dagaallama ururkaasi.

Dadka ku nool waqooyiga Cameroon ayaa kusoo warramaya in 20 qof oo bas la socotay la afduubtay, xilli ay kasoo laabanayeen suuqa.

Dadkaasi ayaa la sheegay in laga qafaashay tuulada Koza, loona kaxaystay dhanka Nigeria.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerar lagu qaaday degmo kale oo la yiraahdo Kolofata.

Boko Xaraam ayaa sidoo kale weerartay xabsi ku yaalla degmada Diffa ee koonfurta Niger, balse waa la iska caabiyay. Dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa degmadaasi saddex jeer weerarray maalmihii la soo dhaafay.

Todobaadkii la soo dhaafay, dalalka ku yaalla gobolka ayaa isku raacay in la diyaariyo ciidammo ku dhow 9,000 oo askari, kuwaasi oo la dagaallama Boko Xaraam.

Hoggaamiyaha Boko Xaraam, Abubakar Shekau, ayaa kasoo muuqday video isaga oo ballan qaaday in uu jebinayo ciidammada ka dhanka ah.

Xaaladda ayaa sidaan dhaami lahayd haddii ciidammada Nigeria ay wax ka qaban lahaayeen Boko Xaraam shantii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa dib loo dhigay doorasho ka dhici lahayd Nigeria sababo ammaanka awgood. Balse dad badan ayaa u arka dib u dhigida doorashada mid siyaasad ka dambeyso, oo lagu caawinayo madaxweyne Goodluck Jonathan.

Hubaal la’aanta ku aaddan qabsoomida doorashada ayaa keentay saameyn dhaqaale. Lacagta Nigeria ee loo yaqaano naira ayaa meeshii ugu hooseysay gaartay Isniintii shalay.

Dhaqaalaha Nigeria ayaa la daalaa dhacaya qiimaha shidaalka ee hoos u dhacay, xiisad siyaasadeedna waxa ay uga sii dari kartaa xaaladda.