Dagaalkii Guriceel oo joogsaday

Dagaal culus ayaa mar kale saaka ka qarxay degmada Guraceel ee Bartamaha Soomaaliya. Dagaalku wuxuu u dhaxeey ey maleeshiyo beeleedyo taageero ka helaya dawladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna wal Jamaaca, waxayna isku hayaan gacan ku haynta magaalada.

Ugu yaraan 6 qof oo dhinacyada dagaallamayey ah ayaa dagaalka ku dhintay, hase yeeshee waxaa la soo werinayaa inuu jiro khasaare xoog leh oo soo gaaray dad shacab ah.

Dagaalka ayaa yimid, markii xoogagga Ahlusunna ay taageerto, ay Talaadadii dib ula wareegeen degmada oo hore looga saaray. Goor dambe ayaa la sheegay in ciidanka dawladda, abaarihii duhurnimadii, laga saaray magaalada, kadib dagaal dhowr saacadood socday .