Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baydhabo: Sheikh saddexaad oo la dilay

Galinkii danbe ee xalay waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay wadaad caan ka ahaa gobolka Bay oo la oran jiray Sheikh Aden War'iishe, waxaana dilkiisa gaystay rag hubeysan oo ku weeraray gurigiisa.

Marxuumka la dilay ayaa mudo fog ka shaqaynayay dacwada Islaamka, waana sheikhii sedexaad ee mudo dhawr toddobaad ah lagu dilo magaalada Baydhabo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa dilka wadaadkan sida uu u dhacay iyo cida gaysatayba ka waraystay taliyaha booliska gobolka Bay Gaashaanle sare Mahad Cabdiraxmaan Aadan.