Talyaaniga: Gurmad lagu badbaadinayo doomo

Image caption Qaxootiga doonta ku imanaya dalka Talyaaniga.

Howlo gurmad ee badda Maditeraneanka ayaa ka socda Talyaaniga, si loo badbaadiyo in ka badan kun qof oo ku xayiran doon koonfurta jasiirada Lampedusa.

Afhayeenka ayaa sheegay in in kabadan boqol iyo soddon qof ay badbaadiyeen. Toddobadkii hore in kabadan saddex boqol oo qof ayaa ku dhintay badda, halka boqolaal kalena la badbaadiyay.

Waxaa loo malaynayaa in cimilada oo fiicnaatay maalmihii u danbaysay, ay kuwa dadka soo qaada ay isku dayayaan inay dadka ku soo qaadaan doomo ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika.