Masar oo weerartay mintidiin Libya

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Kiristaanka dadka lagu dilay Libya oo goor hore banaanbaxay.

Masar ayaa sheegtay in diyaarado ay ku weerartay Libya, kadib markii mintidiin xiriir la leh kooxda Daacish ay madaxa ka gooyeen Masaari Kiristiyaan Kobtik ah.

Milatariga Masar ayaa sheegay in diyaaradaha F16 ay weerar subaxnimo ku beegsadeen xarumaha Daacish, meelaha ay ku tababartaan, iyo meelaha ay hubka ku kaydsadaan.

Afhayeenka Ra'iisalwasaaraha Libya ayaa sheegay, in siddeed weerar diyaaradeed oo lagu qaaday magaalada Libya ee Derna ay dowladda Libya ka qayb qaadatay.

Madaxwaynaha Masar, Abdel Fattah al Sisi, ayaa ku hanjabay aargudasho kadib markii mintidiinta Libya ay madaxa ka gooyeen Masaari Kiristaan Kobtik ah.