Taliyaaniga oo badbaadiyay muhaajiriin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxaa sare u kacaya dadka u tahriibaya qaaradda Yurub

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Taliyaaniga ayaa waxa ay badbaadiyeen in kabadan 2,000 oo muhaajiriin ah, kaddib markii howlgal ballaaran ay ka sameeyeen Xeebaha dalka Liibya, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha dalkaasi.

Intii lagu gudajiray howsha badbaadinta, kooxda baadigoobta waxaa halis geliyay koox hubeysan oo dhankooda u kexeeyay doon xawaare ku socotay oo dhanka Liibya ka timi, sidaasi waxaa sheegay xabno ka tirsan dowladda Taliyaaniga.,

Isbuucii hore, ugu yaraan 300 oo muhaajiriin ah ayaa ku qarqamay badda Mediterranean ka.

Waxa ay ku safrayeen doomo yaryar oo dhibaato kala kulmay dabeylo xoogan, kaddib markii ay ka dhaqaaqeen xeebaha Liibya.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption isbuucii hore ayaa tahriibayaal ay badda ku dhinteen

Maalintii Jimcaha, 600 oo qof oo tahriibayaal ah ayaa laga badbaadiyay meel 80km ka baxsan xeebaha waqooyiga Taliyaaniga.

Badbaadintan ugu dambeysay ee dadaalkeeda la sameeyay Axaddii, waxaa ka qeybgalay diyaarad, afar Markab oo ah kuwa xeebaha ilaaliya, laba doon oo yaryar iyo Markab ciidan.

Warbaahinta gudaha waxa ay ku warrameen in tahriibayaasha ay la socdeen 12 doon oo yaryar, loona kexeeyay dhanka Taliyaaniga.

Sida uu sheegay wasiirka gaadiidka ee Taliyaaniga, afar nin oo hubeysan ayaa doon dheereysa ku aaday dhanka kooxda badbaadinta waxayna ku amreen inay soo celiyaan doon laga wada dejiyay dhammaan Muhaajiriinta.

Qaar kamid ah maleeshiyadaasi ayaa ku booday doontaasi, wayna kexeysteen, sida wasiirkaasi uu tilmaamay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka tahriibaya ayaa u badan Afrikan iyo kuwa ka imaaday bariga dhexe

Hay’adda UNHCR waxa ay sheegeysaa in illaa 3,500 oo qof ay 2014kii dhinteen intii ay ka guydbayeen badda Mediterranean, si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Inkabadan 200,000 oo qof ayaa la badbaadiyay intii lagu guda jiray muddadaasi.

Dadkaasi badan kooda waxaa lala rujiyay biyaha, taas oo natiijo u ahayd howlgal ay Taliyaaniga qaadeen bishii October ee 2013kii, arrintaas waxa ay uga jawaabayeen musiibo ka dhacday meel u dhow Lampedusa oo ay ku dhinteen 366 oo tahriibayaal ahaa.

Balse howlgalkaasi hadda wuu istaagay, kaddib markii UNHCR ay hogaamiyayaasha Yurub uga digtay in ay dhalinkarto dhimasho aad u badan.

Qaar kamid ah dalalka midowga Yurub oo Britain ay ka mid tahay waxa ay sheegeen in hwolaha badbaadinta ay dhiiragelin u tahay qaxootiga inay siiwadaan soo tahriibidda.