Diyaaradaha Masar oo duqeeyay Libya

Masar Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Masiixiyiinta Masar ayaa ka dibedbaxay afduubka loo gaystay dadkooda ka hor intaan la gowricin

Masar ayaa sheegeysa inay weerartay jihaadoonka deggan dalka ay dariska yihiin ee Libiya kaddib markii ururka Daacish uu dalkaasi ku dilay koox masaari oo masiixi ah.

Militeryga Masar ayaa sheegay in lix diyaaradaha dagaalka ee F16 ay weerareen aroortii hore xerooyin Daacish leedahay, meelo ay tabar ku sameeyaan iyo goobo ay ku keydiyaan hubka.

Afahyeen u hadalay ra'iisalwasaaraha Libya oo lagu magacaabo, Maxamad Azaza, ayaa sheegay in 8 duqeymo oo cirka lagu qaaday magaalada bariga Libya ee Derna oo ay kooxo Islamiyiin ah haysataan, isagoo sheegay in dowladda Libya ay wax ka qabanqaabisay weerarka.

Madaxweyna Masar, Abdulfatah Alsisi, ayaa ku hanjabay aargoosi kaddib markii Axadii la soo saaray muuqaal si toos u muujinaya 10 ka mid ah Masiixiyiinta Masar oo la gowracayo.