Heshiis dhaxmaray Maraykanka iyo Turkiga

Lahaanshaha sawirka US Dept of State

Waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka ayaa sheegaysa in heshiis ku saabsan dalka Suuriya ay la gashay Turkiga.

Mareykanka ayaa sheegaya in mabda’ ahaan ku heshiiyeen Turkiga sidii tababar loogu fidin lahaa, hubno loo siin lahaa xooggaga mucaaradka Suuriye ee loo arko in ay yihiin dhaxdhaxaad.

Maraykanka waxa uu doonayaa in dhowr kun oo xooggagaan ah uu ku tababaro Turkiga gudihiisa iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka bariga dhexe.

Weriyayaasha BBC-da ayaa ku soo waramaya in heshiiskan yahay talaabo horay loo qaaday, maadaama xiriirka Turkiga iyo Maraykanka uu mararka qaar ahaa mid aan wanaagsanayn.

Turkigu waxa uu doonayaa in hawlgalka miletari ee ka socda Suuriya intiisa badan diirada lagu saaro sidii xukunka looga tuuri lahaa xukuumada Bashar al-Assad, balse Maraykanka ayaa mudnaanta waxa uu siinayaa dagaalka lagu la jiro kooxda Daacish.