Shirka argagixisada Washington

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Joe Biden, ayaa shir sadax maalmood ah oo looga hortagayo dhibaatada xagjirnimada ka furay Washington.

Wakiilo ka socda in ka badan lixdan dal ayaa ka qeybgalaya kulankaasi oo daba socday toogashooyinkii dhawaan ka dhacay Denmark, France iyo Australia iyo kororka kooxda dowladda Islaamka ee bariga dhexe.

Waxay ka hadli doonaan afkaarta la xiriirta sidii looga hortagi lahaa xagjirnimada iyadoo dalalka ay si weyn u wadaagayaan sirdoonka dhexdooda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inay muhiim aheyd ku luglahaashaha muhaajriinta aan waxbadan loo qaban.

Wuxuu sheegay in ammaanka qaranka uu ka yimaado dareenka bulshada.