Rag loo xiray weerarka Sanaag

Gudoomiyiha gobolka Sanaag iyo kii hore oo koox hubeysan gaadhigii ay wataan jidgooyo u galeen.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleeman Ramaax oo shalay xilka ku wareejiyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly ayaa waxay BBC u xaqiijiyeen in iyagoo maraya meel 40Km u jirta magaalada Ceerigaabo oo baabuurkii gudoomiyaha Sanaag wada saaran ay koox hubeysan oo gaadhi wadatay jidgooyo u galeen.

Labada masuulba waxay sheegeen in ciidanka boliiska ee ilaalada u ahaa ee la socday ay difaaceen oo baacsadeen kooxdaasi oo soo qabteen afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha AK iyo baastoolado, haatana ay ku xidhanyihiin xabsiga ceerigaabo oo maxkamad la horgeyn doono baadhista boliiska kadib.