Ukraine oo ka baxday Debaltseve

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ukraine ayaa sheegeysa in badi ciidamadeeda ay kala soo baxday magaalada muhiimka bariga ee Debaltseve taasi oo weerar joogto ah ku haayeen falaagada Russia teegeerto iyadoo heshiiska xabadjoojinta uu jiro.

Sawiro telefishinka laga soo saaray ayaa muujiyaya tiro taangiyada Ukraine iyo askar daalan oo ka baxaya magaalada ku taal meesha isku xirta tareenada iyo gobalada ay falaagada haystaan ee Donetsk iyo Luhansk.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa ku tilmaamay ka bixidda ciidamada sida la qorsheeyay ee la diyaariyay.

Markii ay ciidamada soo baxeen ayuu askari Ukraine ah u sheegay BBC-da in isgaarsiinta ay ka go'aday unugyadana go'aankooda qaateen.

Wuxuu sheegay inay dagaalka wadi waayeen kaddib markii rasaasta ay ka dhamaatay.