Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Booqashada Madaxweynaha Djibouti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa galabta ka dhoofay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib markii uu dhammaystay booqasho laba maalmood ahayd.

Madaxweyne Geelle intii uu Muqdisho joogay waxaa uu ka qayb galay munaasabad ballaaran oo dhagaxdhig loogu sameynayay xarun cusub oo loo dhisayo horumarinta Afka, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, taas oo ay ka qayb galeen Aqoonyahanno arrimahaasi iyo mas'uuliyiin ka kala yimid deegaannada Soomaalida oo dhan.

Madaxweynaha Djibouti oo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxay maanta booqasho ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin kudhowaad laba kun askari oo reer Djibouti ah, kana tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga.

Weriyaha BBC, Ibrahim Maxamed Aden, ayaa warbixintan ka diyaariyay socdaalka iyo dhoofka madaxweynaha Djibouti.