Qarax ka dhacay Nigeria

Image caption Suuqyada Nigeria.

Dad goobjoogayaal waqooyi bari Nigeria ee magaalada Potiskum, ayaa sheegay in bomb ku xirnayd gabar ka yar toban sanno ay ku qaraxday suuq hortiis.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay labaatana way ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay markii ciidamada ammaanka ay ku baareen gabadha irida suuqa.

Wariyaha BBC ee Nigeria ayaa sheegay in Boko Xaraam ay isticmaasho dumar isqarxinaya sanadkan.