Kenya iyo sharciga argagixisada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baarlamaanka Kenya.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa go'aan ku gaartay in dastuurka ay ka soo horjeedo dhowr qaybood oo ka mid ah sharciga cusub ee ammaanka.

Siddeed qaybood ayaa laga bixiyay sharciga oo ay ku jirto in xoog loo ilaaliyo warfaafinta, iyo in xad loo yeelo qaxootiga waddanka soo galaya.

Sharciyada kale ayaa waxaba laga badalin sida in qofka argagixiso looga shakisan yahay uu xirnaan karo ilaa sanad iyadoo maxkamad la keenin, halka uu awal ka ahaa sagaashan maalmood.

Dowladda ayaa sheegtay sharciga oo December la soo saaray in loo baahan yahay in looga hortago qatarta kooxda Alshabaab.