Lataliye madaxweyne oo is casilay Somaliland

Barkhad Lahaanshaha sawirka egeh
Image caption Barkhad Jaamac, oo iska casilay xilkii lataliyaha madaxweynaha Somaliland

Lataliyihii madaxweynaha Somaliland ee bulshada la hayb sooco Barkhad jaamac Xirsi ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay.

Barkhad wuxuu BBC u sheegay in inkastoo marar badan uu madaxweynuhu ballanqaaday in arrimaha bulshada la hayb sooco uu wax ka qabanaayo , haddan isku shaandheyntii u danbeysay todobaadkan ay ku hungoobeen.

wuxuu sheegay in bulshada la hayb soocaa aanay ku lahayn xukuumada Somaliland wax jago ah.

Barkahd ayaa sheegay in sidaa darteedna uu u go'aansaday inuu iska casilo xilkii uu ka hayay xukuumada Somaliland .