Namibia: Pohamba oo helay abaalmarinta Mo Ibrahim

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mo Ibrahim

Abaalmarin $5 milyal ayaa la siiyaa sanad walba madaxweyne la doortay oo si fiican wax u xukumay, hormariyay nolosha dadka, xukunkana ka degay.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweynaha Namibia Hifikepunye Pohamba ayaa ku guulaystay abaalmarinta Mo Ibrahim.

laakiin abaalmarinihii hore ayaan shan sano qofna ku guulaysan.

Mr Pohamba, oo ahaa mucaarad oo u dagaalamay waddankiisa waqtigii xornimada ayaa madaxweyne ahaa laba mar.

Waxaa markii ugu horaysay la doortay 2004, iyo 2009. Waxaa xukunka kala wareegi doono madaxweynaha la doortay ee Hage Geingob.

Mo Ibrahim waa ganacsade telefoonada mobilka oo reer Sudan ah dhalasho Britishna haysta. Wuxuu balaayiin dollar ka sameeyay maalgalinta Afrika.

Wuxuu abaalmarinta u bilaabay bsi uu u dhiirigaliyogogaamiyayaasha Afrika inay xukunka ka degaan.

Shanta milyan ee dolar ayaa la bixinayaa 10 sanno gudaheed, kadibna laba boqol oo kun oo dollar ayaa sanadkii la siin doonaa.