QM: Kooxda Nusra waan la hadlaynaa

Lahaanshaha sawirka AFP

Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Suuriya ayaa ka hadlay suurtagalnimada in Qaramada Midoobe ay wadahadalo la gasho Jabhada Nusra si loo badbaadiyo dadka kunool magaalada uu dagaalka xoooggan ka socda ee Xaleb.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in jabhadaan ay qorshaynayso in ay xiriirka u jarto Al-qaacida si ay hub uga hesho waddamada khaliijka sida Qadar.

Maraykanka ayaa haatan u aqoonsan Nusra koox argagaxiso.

Dhinaca kale Warbaahinta ay maamusho dowladda Suuriya ayaa ku warantay in ciidanka dawladda ay dileen taliye sare oo k tirsanaa Jabhadda Nusra Front oo ah jabhad xiriir la leh ururka Al-qaacida.

Dawladda Suuriya ayaa sheegtay in Abu Xommaan Al-shaami lagu dilay duqayma dhinaca cirka ah.