Adeegsiga Twitter-ka ee kooxda Daacish

Lahaanshaha sawirka Thinkstock

Cilmibaarayaal ayaa sameeyay daraasad lagu ogaanaya waxa ay ku sheegeen faaf-reebka ka dhanka ah taageerayaasha Kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka.

Daraasadan oo uu sameeyay machadka Brookings ee dalka Maraykanka ayaa sheegeysa in Daacish ay barta Twitter-ka u adeegsata aalad warbaahineed oo kooxda wax tar wayn u leh.

Warbixinta ayaa lagu eegay fariimahii Twitter-ka ay soo galiyeen taageerayaasha kooxda Daacish saddaxdii billood ee ugu dambeysay sanadkii tagay, waxa ayna muujisay in ugu yaraana 43 kun oo akoontiyo ay isticmaaleen.

Twitter-ka ayaa laga xiray qaar ka mid ah akoontiyada kooxda, balse cilmibaarayasha ayaa sheegaya in arrinkan uu gacan ka gaysanaya sii xagjiraynta taageerayaasha Daacish