Israa'iil oo ay maanta doorasho ka dhacayso

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Doorashadan ayaa la filayaa in ay noqoto mid aad loogu loolamo

Dadka Israa’iil ayaa maanta oo Talaado ah codkooda dhiibanaya si ay u doortaan baarlamaanka, Rai’sal wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa doonaya in uu noqdo masuulkii wakhtiga ugu dheer talada hayay.

Raisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in inta uu xilka hayo aysan dal yeelandoonin Falastiin, hadalkaas oo uu ku soo beegay doorashada guud.

Waxa uuna isku dayayaa in uu kor u qaado taageerada xisbigiisa Likud, kaas oo ka dambeeya ama ka hooseeya xisbiga isbahaysiga bidix dhexe sida ay muujinayso ra'yi uruurintii u dambaysay ee la sameeyay.