Qareen caan ah oo lagu dilay Pakistan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dr Shakeel Afridi, oo CIA-da ka caawiyay dilkii Osama Bin Laden

Dabley ayaa xalay toogasho ku dishay nin horay qareen ugu ahaa dhakhtar Pakistan u dhashay, oo hya'adda mukhaabaraadka Mareykanka ee CIA gacan ka siiyay, dilkii hoggaamiyihii Al-Qaacida, Osama Bin Ladin.

Qareenka oo lagu magacaabo Samiullah Afridi, ayaa la dilay xilli uu gaari ku dhex watay magaalada Peshawar.

Koox ka goosatay Talibaanka Pakistan ayaa sheegatay in ay ka dambeysay dilka qareenka.

Waxa uu ka mid ah afar qareen oo mataleysay Dr Shakeel Afridi, kasoo CIA-da u sahlay in ay gudaha Pakistan ku disho Osama Bin Laden afar sano ka hor.

Dr Afridi ayaa lagu xukumay xabsi mudo dheer ah, kaddib markii lagu helay dembi ah in gacan saar la lahaa urur mintid ah.

Samiullah Afridi ayaa iska casilay qareennimadii dhakhtarka, kaddib markii ay u hanjabeen kooxo mayal adag.