Obama: Reer Iran fursad ayay haysataan

Obama Lahaanshaha sawirka .
Image caption Obama ayaa farriin u direy madaxda iyo shacabda Iran

Madaxweyne Obama ayaa fariin uu u diray hogaamiyaahsa iyo shacabka iiraan ku sheegay in aysan jirin waqti ka fiican hadda oo la wanaajin karo xiriirika labada dal.

Fariin uu u diray iiraan manata oo ku began sanadka cusub ee dalkaasi ayaa Obama waxa uu sheegay in labada dal ay haystaan fursad taarikhi ah oo mudan in aysan lumin.

Iran ayaa wadahadal ku saabsan barnaamijkeeda nukiliyarka kula jirto lixda waddan ee ugu awoodda weyn dunida.

Obama ayaa sheegay in haddii Iran aqbasho heshiis lagu xakamaynayo hubkeeda nukiliyarka uu dalkaasi noqon doono "goob barwaaqo".

Balse waxaa uu ka digay in haddii heshiis la gaari waayo uu dalkaasi wajihi doono go'ddon caalami ah.