Daacish oo sheegatay qaraxyadii Yamen

Lahaanshaha sawirka
Image caption Maleshiyaad Shiica oo eegaya mid kamid ah masaajidada la weeraray

Kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa sheegtay in ay ka dambaysay weerar isqarxin ah oo ka dhacay laba masaajid oo ku yaala dalka Yamen, waxaana ku dhintay in ka badan 130 qof.

Afar qof ayaa iksu qarxisay masaajidadaasi bartamaha magaalada Sanca. Wakhtiga uu weerarka dhacayay waxaa lagu jiray salaadii jimcaha.

Labada masaajidba waxaa ku cibaadaysto taageerayaasha falaagada Shiicada ee loo yaqaano Huutiyiinta. Waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Sanca sanadkii la soo dhaafay.

In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay weerarkasi, waxaana jira baaq ah in dhiig lala soo gaaro dadkaasi dhaawacmay.

Waa la ogaa in Daacish ay ka howlgasho Yamen, balse illaa iyo hadda ma aysan gaysan weerar sidan u xoogan.