Jabhaddaha Yemen oo qabsaday saldhig

Lahaanshaha sawirka EPA

Diyaaraddaha dagaalka ee Yemen ayaa gantaallo ku ridday xaafadda uu ka dagan yahay magaalada Cadan, Madaxwayne Cabdulraboh Mansuur Haadi.

Waxaa jira warar is khilaafsan, oo ku saabsan goobta uu ku sugan yahay Madaxwaynuhu, inkasta oo dadka ka agdhaw ay ku adkaysanayaan in uu bad qabo isla markaasna meel ammaan ah joogo.

Jabhadaha Xuutiyiinta ah iyo cutubyo ka tirsan ciidammada dawladda oo daacad u ah madaxwaynihii hore ee Yemen, Cali Cabdallah Saalax, ayaa ku sii durkaya magaalada Cadan, kaddib markii ay qabsadeen Saldhig ay ciidammada cirku ku leeyihiin meel u jirta 40 kiiloomitir.

Xuutiyiintu, waxay balan qaad u sameeyeen ciddii soo qabata Haadi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Yemen waxa uu dalbay in dalalka carbeed ay la soo gaaraan faragalin millitari oo dagdag ah.