Dublamaasi iyo dad kale oo lagu laayay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption qaraxa maanta ka dhacay muqdisho, ee huteel maka al-Mukarama

Ururka Al-shabaab ayaa weeraray Huteelka Maka al-Mukaram, iyaga oo dilay ugu yaraan toban qof oo uu ku jiro dublamaasi.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay Hoteelka banaankiisa, kaddibna rab hubaysan ayaa gudaha u galay.

Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Switzerland, Yuusuf Baribari ayaa ka mid ah dadka geeriyooday.

Dublamaasiyiin kale ayaa ka badbaaday weerar kaasi waxaana ka mid ah safiirkii German-ka u fadhiyay Soomaaliya oo la sheegay in uu daaqadda ka booday.

Ciidammada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa jabiyay darbiga huteelka waxa ayna rasaas is waydaarsanayaan malayshiyadii weerarka soo qaaday.