Iran iyo Mareykanka oo wada hadlaya

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa wada hadalo la bilaabay dhigiisa wadanka Iiraan, Javad Zaarif, iyadoo ay socdaan wadahadalada lagu xaqiisanayo in heshiis laga gaaro barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Wakiilada ka qayb galaya Wada xaajoodka ayaa aad isugu dayayaa sidii ay ku dhameystiri lahaayeen qaab heshiis ah,kadib markii waqtigii kama dambeys ahaa ee la qabtay wada hadalada in heshiis lagaga gaaro uu dhamaaday.

Waxaa jira fariimo iskhilaafsan oo ka soo baxaya ka qeybgalayaasha shirka. Qaar ayaa tilaamaya in laga yaabo in goor dhow heshiis la gaaro.Halka qaar kalena ay sheegayaa in faraq weyn uu wali dhinacyda u dhaxeeyo.

Iran ayaa sheegtay haddii aanan la soo saarin bayaan cad oo cunaqabateynta ka dhanka ah Iran laga qaadayo in uusan heshiis dhici doonin.