Weerar ka socda Jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaadday jaamacad ku taalla magalada Gaarisa, ee gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Wararku waxa ay sheegayaan in dableydu ay weli ku jiraan jaamacadda, islamarkaana la maqli karo dhawaqa rasaasta.

Weriyaha BBCda ee Gaarisa ayaa sheegaya in qiiq uu ka baxayo dhismaha jaamacadda, ciidammada ammaanka ee Kenyana ay halkaasi ku qulqulayaan.

Sidoo kale gawaarida gurmadka deg dega ayaa ku sii qulqulaya goobta.

Jaamacadda ayaa magaalada waxa ay u jirtaa ilaa iyo 3 km.

Ma ay jirto weli wax faahfaahin ah oo ku aadan khasaaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Ma cada cidda weerarkan ka dambeysa, hasayeeshee kooxda Al-shabaab ayaa marar badan weerar ka fulisay gudaha magaalada Gaarisa iyo magaalooyin kale oo Kenya ka tirsan, tan iyo 2011-kii markaa oo ciidammada Kenya ay galeen Soomaaliya.