Yemen: Daadguraynta ajnabiga oo socota

Lahaanshaha sawirka MEA INDIA
Image caption Ajnabiga Hindida ee la soo qaaday.

Daadgurayntii dadka ajnabiga ee laga soo qaadayo Yamen ayaa socda iyadoo ay kordhayso waalaca caalamka uu ka qabo xaalada bini'aadanimo ee ka sii daraysa.

Diyaaradaha Pakistan ayaa qorshaynaya maanta inay u duulaan Sanca ayna soo qaadaan in ka badan boqol iyo toddobaatan dadkareer Pakistan. In kabadan siddeed boqol oo qof ayaa la soo qaaday.

Isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee la dagaalamaya Shiicada Xuutiga ee Yemen, ayaa sheegay in diyaaradaha daadguraynaya dadka ay maanta ka imanayaan Shiinaha, Masar iyo Sudan.

Diyaarad laga leeyahay Algeria ayaa soo qaaday in kabadan boqol Aljeeriyaan iyo kuwa kale oo ka yimid waqooyiga Afrika Sabtidii.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Ruushka ayaa ku baaqay in la hakiyo dagaalka weerarka Sacuudiga uu hogaaminayo laakiin go'aan lagama gaarin.