Todobaad kaddib weerarkii Garissa

Lahaanshaha sawirka epa

Dalka Kenya, dowladda ayaa isku dayaysa in laamaheeda ammaanka ay dib u hantaan kalsoonida shacabka, todobaad kaddib weerarkii jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof. Weerarkaasi ayaa waxaa gaystay islaamiyiinta Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale dowladdu waxa ay billowday in ay naxashyo ugu deeqdo eheladii aqoonsaday meydadka dadkooda xilli la isu diyaarinayo aaska dhammaan intii la aqoonsaday.

Todobaad kaddib weerarkii ka dhacay Garissa, qaar kamid ah qoysaska caruurtooda la laayey ayaa weli barooranaya.

Booliska wax baara iyo kuwa dhar-cadda ah ayaa weli ku hawlan sidii ay cadeymo uga soo uruurin lahayeen jaamacadda uu weerarka ka dhacay oo dhawaan un loo ogalaaday in ay gudaha u gasho saxaafadda.

Sidoo kale laamaheeda ammaanka ayaa isku dayaya in ay dib u hantaan kalsoonida shacabka, iyadoo ay jiraan dhaliil ah in dowladda ay ka baaqsatay in ay is hortaagto weerarkaas oo noqday kii ugu xumaa ee dalka ka dhaca wixii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday safaaradda maraykanka 1998-kii.

Dowladda waxay ku tiirsantahay oo ay ku tashanaysaa ciidamadeeda iyo taageerada beesha caalamka si ay uga hor tagto weeraro kale oo ka dhaca dalka.

Weli waxa socda baaritaano, iyadoo sidoo kalana weli uu taaganyahay bandow lagu soo rogay gobolka waqooyi bari ee Kenya