Dad loo xiray dilkii dacwad oogihii Uganda

Jamal Kiyemba oo sanadkii 2006-dii laga sii daayay xabsiga mareykanka ee Guantanamo ayaa isaga iyo saddex qof oo kale waxaa talaadadii lagu xiray magaalada Kampala.

Haweeney af-hayeen u ah waaxda arrimaha dibadda mareykanka oo lagu magacaabo Marie Harf, ayaa sheegtay in askar mareykan ah ay Uganda ka caawiyeen hawlgalkaasi dhanka amniga ah.

31-kii bishii Maarso ayaa Dacwad oogihii hormuudka ka aheyd kiis ay ku lug lahaayeen 13 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab lagu toogtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Afhayeen u hadlay booliska Uganda ayaa sheegay in Joan Kagezi ay toogteen dabley hubeysan oo saarnaa dhugdhugley xilli ay ku sii jeeday gurigeeda.

Waxayna dhimatay intii loo sii waday isbitaalka ugu wayn dalkaasi.

Waxa ay hormuud u ahayd ololaha maxkamdeynta rag ku eedaysnaa in ay ka qeyb qaateen qaraxyo ay kooxda Al-shabaab ka gaystay caasimadda Uganda ee Kampala 2010-kii, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 70 qof.

Dilkeeda ayaa waxa uu yimid kaddib markii safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee Kampala ay soo saareen digniino weerraro argagixiso oo ka dhan ah danaha reer galbeedka ee dalkaasi Uganda.