Hilary Clinton oo shaacisay musharaxnimadeeda

Hillary Clinton ayaa shaaca ka qaaday in ay isu soo sharaxeyso jagada madaxtinimada ee doorashada ka dhici doonta Mareykanka 2016-ka.

Hilary oo mar noqotay Xoghayaha ee arrimaha dibeda ee Mareykanka iyo sidoo kale marwada kowaad ayaa waxay ku shaacisay damaceeda muuqaal ay soo dhigtay barta ololaheeda.

Waxay sheegtay in ay doonayso in ay noqoto hormuudka riyada ama hamiga dadka caadiga ah ee Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa ku taageeray tallaabadan.

Hilary Clinton waxay isku deyda in ay hanato hoggaanka xisbiga Demoqaraadiga doorashooyinkii 2008-dii, balse waxa uga guulaystay Barack Obama.

Waxa la filayaa in bilawdo ololaheeda todobaadkan waxayna booqan doontaa gobola Iowa.