Siyaasi caan ah oo Ukraine lagu dilay

Lahaanshaha sawirka Evgeniy Maloletka
Image caption lama garanaayo ciida dilka ka dambeysay

Qof can ah oo taageero u ahaa madaxweynihii hore ee Ukraine ee xilka laga tuuray, Viktor Yanukovych, ayaa la helay asigoo mayda ah.

Oleh Kalashnikov ayaa lagu dilay bannaanka kore ee gurigiisa oo ku yaalla magaalada Kiev.

Mr Kalashnikov, oo ka mid ahaan jiray baarlamaanka dalkaasi, ayaa gacan ka geystay qabashada isu soo baxyo lagu taageeraayay madaxweynihii hore Viktor Yanukovych ka hor intaa xilka laga tuurin sanadkii hore.

Ugu yaraan sided qof oo kale oo saaxiibo la’ahaa madaxweynihii hore ayaa la dilay dhowrkii bil ee la soo dhaafay.

Badankooda ayaa la sheegayaa inay isdileen, laakiin lama cadeynkaro arrintaasi.