33 ku dhimatay qarax ka dhacay Afqaanistaan

Lahaanshaha sawirka
Image caption Taalibaan ayaa inta badan lagu eedeeyaa qaraxyada ka dhaca dalkaasi Afqaanistaan.

Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jalaalabaad ee bariga dalka Afqaanistaan.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad boqol qof oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bannaanka hore ee bangi ay shaqaalaha dowladda ka qaadanayeen mushaaraadkooda.

Saraakiisha ayaa sheegaya in qofka qaraxa gaystay uu saarnaa mooto ama dhug-dhugley.

Kooxda daacish ee dalkaasi Afqaanistaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi basle BBC-da ma xaqiijin karto sheegashadaasi.

Madaxweynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxa uuna ku tilmaamay weerar argagixisnimo oo fuleynimo ah.

Taalibaanka Afqaanistaan ayaa sidoo kale waxa ay cambaareeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen fal aad u xun.