QM oo cambaaraysay dagaalka Liibiya

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Maleeshiyaadka Liibiya

Ergeyga QM u qaabilsaan Liibiya Bernardino Leon ayaa cambaareeyay dagaalka ka billawaday dalkaasi.

Mr Leon ayaa sheegay in Morocco ay ka socdaan kullama wadaxaajood ay leeyihiin dhinacyada Liibiya ku dagaalamaya islamarkaana aysan jirin cudurdaar loo samayn kara collaad hor leh.

Dagaalka ka socda duleedka caasimadda Tripoli ayaa waxa lagu dilay kumanaan qof. Meleeshiyaad daacad u ah kuwa isku sheegay dawlada oo fadhigoodu yahay Tripoli ayaa waxa ay la dagaalamayaan dawladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee maamusha bariga Liibiya.

Colaada ka taagan dalka Liibiya ayaa waxa ay carqalad ku noqotay dadaalo ay beesha caalamka ku doonaysay in waddankaasi loogu dhisa dawlad loo dhanyahay.