Qarax lala eegtay baabuur UN leedahay Garowe

Qarax Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ururka Al-Shabaab ayaa horey weerarro uga gaystay Soomaaliya

Qarax weyn ayaa lagula eegtay gaari Qaramada Midoobay ay leeyihiin oo joogay banaanka hore ee hay’addaasi ee magaalada Garowe.

Gaariga ayaa u socday xarunta, waxana saarnaa shaqaale ka tirsan hay’adda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka.

Booliska magaaladaasi ayaa u sheegay BBC-da in laba ka mid ah dadka tobanka ku dhow ee dhintay ay ahaayeen Kenyan, iyo qaar kale oo ajaaniib ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in weerarka uu ahaa mid la hagayay ama uu saarnaa gaariga, waloow warar hordhac ah ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah.

Xaalada weli waa kacsan tahay, booliskana waxa ay bilaabeen baaritaan ku saabsan qaabka uu qaraxa u dhacay.