South Afrika
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqorka Zulu oo ka hadli doono weerarrada ka dhanka ah ajaanibta

Boqorka Qabiilka Zuluga Goodwill Zwelethini ayaa isagoo jooga magaalada Durban ee Koonfur Africa wuxuu ugu baaqay shacabka dalkaasi isu soo bax, si uu ugala hadlo rabshadihii ugu dambeeyay ee lagu qaaday dadka Afrikaanka ah ee halkaa ku nool.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, kaddib markii boqorkani uu sheegay in dadka Afrikaanka ah ay iskaga tagaan Konfur Africa.

Durban ayaa xudun u ahayd weeraradii ugu dambeeyey ee dhacayey toddobaadyadi la soo dhaafay, halkaasoo dadka ajaanibta ah iyo hantidoodaba lagu bartilmaameedsaday.

Wariyaha BBC-da Xasan Cali Gelle ayaa waxa uu arrimahani ka wareystay Cabdirahman Raabi oo ah qoraa Soomaaliyeed oo degan South Africa, waxa uuna ugu horeyn weydiiyey Boqorka Zuluga saamaynta uu ku leeyahay mujtamaca dalka Koonfur Africa.