Obama oo ka xun dhimashada la haystayaashii

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweyne Obama ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhimashada labo la hayste oo reer galbeed ahaa, kuwaasi oo la dilay intii uu socday howlgal uu Mareykanka kula dagaalamayay argagixisada oo ka dhacay gobalka xadka Afganistan iyo Pakistan bishii january.

Dhimashada ayaan horay shaacin.

Obama ayaa sheegay in labo shaqaalaha gargaarka oo Mareykan iyo Talyaani ahaa oo ay haysteen Al-qaacidda dhowr sano, uusan Mareykanka ogeyn in ay ku jireen xirada.

Labo kale oo Mareykanka ahaa oo inay Al-qaacidda yihiin loo maleynayo ayaa lagu dilay isla weerarkaasi.