Burundi: Nkurenziza oo u taagan madaxweyne

Madaxweynaha Burundi, Nkurenziza, ayey xisbigiisu u doorteen inuu markale isu taago doorashada madaxweynaha ee bisha June ee sanadkan.

Aminiga ayaa aad loo adkeyeeyay waxaana lamamnuucay in dibadbax la sameeyo.

Kumanaan Burundiyaan ah ayaa guryahooda ka cararay oo qaxoontinimo u galay dalka Rwanda iyagoo ka cabsanaya saansaanta coladeed ee ka jirta dalka.

Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in garabka dhalinyarada ee xisbiga talada haya la hubeeyay lana tababaray sanadkii tagay si ay u caawiyaan Nkurunziza inuu xafiisa joogo.