Madaxii Volkswagen oo is casilay

Lahaanshaha sawirka AFP

Shirkadda weyn ee gawaarida sameysa, Volkswagen, ayaa ku dhawaaqday in gudoomiyahii shirkadda, Ferdinand Piech, uu iscasilay.

Piech, oo shirkadda madax u ahaa in ka badan 20 sano, ayaa si cad u dhaliilay agaasimaha guud, Martin Winterkorn.

Qoraal ay soo saareen guddoonka shirkadda ayey ku sheegeen in aysan jirin aaminaaddii labada dhinac ee loo baahnaa si loo guuleysto.

Piech ayaa wax weyn u soo taray shirkadda sanadihii sagaashamaadkii. Awoowgii, Ferdinand Porshe, ayaa aasaasay shirkadda gawaarida Porsche isagoo naqshadeeyay gaariga Beetle.