Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya ma ka jirtaa xorriyad saxaafadeed?

Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta xoriyadda saxaafadda, Soomaaliyana sanadihii dhawaa waxaa ku sii kordhayay xadgudubyada lagula kaco weriyayaasha ka shaqeeya.

Qaarkood waa la dilay, qaar kale waa la dhaawacay halka kuwa kale la xiray. Sidaasoo kale xarumo warbaahineed ayaa la xiray.

Khamiistii ayey aheyd markii wariye Daa'uud Cali Cumar, oo ka hawlgala Radio Baydhaba, isaga iyo xaaskiisa ay dabley hubaysan ku toogteen gurigooda.

Farxaan Saleebaan Daahir oo ka hawlgala warbaahinta dawladda Soomaaliyana, 10kii bishii hore ayaa Dabley hubaysan waxay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho.

Haddaba Soomaaliya ma ka jirtaa xorriyad saxaafadeed?

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa dood arintaasi ku saabsan dhex dhigay Xasan Cali Geesey, oo ah Agaasimaha Hay'adda SIMHA oo ay ku mideysan yihiin in ka badan labaatan xarun warbaahineed, iyo tifaftiraha wargeyska Xaqiiqa Times, Yuusuf Xasan.

Su'aasha ugu horeysa waxa uu weydiiyay Xasan Cali Geesey, waxayna ahayd aragtidiisa ku aadan heerka xorriyadda saxaafadda Soomaaliya wuxuuna ku jawaabay