Dowladda oo magac cusub u bixisay Shabaab

Lahaanshaha sawirka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay warbaahinta dalka in ay ururka Al-shabaab ugu yeeraan magaca cusub.

Dowladda ayaa dooneysa in loogu yeero Al-shabaab (UGUS) oo ay ku sheegeen 'Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed'.

Madaxa hay'adda sirdoonka qaranka, Cabdiraxmaan Muxamed Tuuryare, ayaa sheegay in magaca Al-shabaab oo ah dhalinyaro aan la wasaqeyn iyadoo lala xiriirinayo koox jihaad doon ah. Wuxuu sheegay in kooxdu ay istaahisho magaca cusub maxaa yeelay waxay laayaan dadka.

Al-shabaab oo taa ka jawaabeyso ayaa u adeegsatay dowladda federaalka isla magacaas oo ku sheegtay 'Uruurka Gumeeya Umadda Soomaaliyeed'