Siyaasi Yahuudda necbaa oo Yahuudi noqday

Sadax sano ka hor, siyaasiga reer Hungary ee garabka fog ee midig oo aadka ula safnaa fakradaha Yahuud naceybka ayaa ogaaday inuu isaguba Yahuud yahay.

Wuxuu ka tagay xisbigiisa isagoo bilaabay safar uu ku baranayo uguna dhaqmayo diinta Yahuudda.

Daqiiqado ka hor intuusan masraxa istaagin, ayuu Csanad Szegedi ku socday korodoyga iskuulka sida oorso ku socoto keyn aysan garaneynin. Kadib waxaa dhamaaday hordhicii maamulaha iskuulka, iyadoo ardaydii golaha buuxisay ay sacbiyeen.

"Maanta hortiina ayaan ka hadlayaa. Hadii qof i weydiin lahaa markaan jiray 16 ama 17 sano, waxa aan hadda idin sheegayo, sidaan uma lumeen". Ayuu yiri. Isagoo ku eedeen jiray yahuudda iyo Roma xumaantii loo geystay bulshada Hungary, illaa uu ka ogaado inuu isagaba Yahuud yahay.

Waxaa la weydiiyay inuu yaqiin wax Yahuud ah ka hor intuusan ogaanin inuu ka soo jeedo Yahuud? Iyo sida uu uga jawaabayo maanta haduu maqlo naceybka Yahuudda?

Isaga oo toos uga jawaabayay ayuu yiri "Yahuudi naceybka uma baahno Yahuud, maxaa yeelay waxay ku saleysan tahay waxyaabo aan jirin"