Maraykanka oo tababaraya falaagada Suuriya

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Ashton Carter Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Ashton Carter

Millitariga Maraykanka ayaa bilaabay in uu tababaro koox yar oo ka mid ah jabhaddaha suuriya, waana dadaal uu ugu dambayntii ku doonayo in la abuuro xoog u babacdhigi kara ka hortaga Daacish.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Ashton Carter ayaa sheegay in ku dhawaad sagaashan qof lagu tababaray wax uu ugu yeeray meel ammaan ah.

Tababarada ayaa waxa ay ka socdaan goobo ku yaala Urdun, Turkiga iyo Sacuudiga.

Waxa sidoo kale la qorsheynayaa in ciidamo kale oo dheeri ah la tababaro todobaadyada soo socda.

Pentangon-ka waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo waqtiga lagu wada in ciidankan uu galo dagaalka.

Tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay maraykanka waxa uu qeyb ka ahaa isbahaysi caalami ah oo duqeyn cirka ah ku hayey Daacish oo si dhaqsa ah dhul ballaaran kala wareegtay Suuriya iyo Ciraaq.